14-4

Xarunta Hiil Qur’aan oo Dalka Keentay Madbacad Kutubta lagu Daryeelayo iyo Doorka Guddoomiyaha Gobolka Awdal

Borama (Dawan) Guddoomiyaha xarunta Hiil Quraan ee dayactirka Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, ee magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal  Jamaal Yuusuf Muxumed, ayaa sheegay in guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro, uu 25-kun oo dollar ugu deeqay dhismaha xarunta Hiil Qur’aan, isla markaana ilaa haddana uu garab taagan yahay.

Sidoo kale waxa uu xusay in ay dalka keeneen Madbacad Kutubta Qur’aanka Kariimka ah lagu daryeeli doono, waxaanu intaas ku daray in ay dib u daabacayso una hagaajinayso Kitaabadii googo’ay.

Geesta kale waxa uu tilmaamay in bulshadu sifiican ula qabsatay xarunta Hiil Qur’aan isla markaana qofkasta uu ku hawlan yahay soo ururinta Kitaabada duugoobay, iyaga oo ku soo haggaajinaya xarunta dayactirka Kitaabada Qur’aanka Kariimka ee Hiil Qur’aan ee magaalada Borama.

 

Waxaanu yidhi.“Wakhti xaadirkan aanu joogo waxa si mug iyo miisaanleh guddoomiyaha gobolka Awdal, oo ku kaalmeeyay xarunta dhismaysa ee Hiil Qur’aan 25-kun oo dollar, ilaa haddana garabkayaga taagan.

Dhulkii laga bineeyay xarunta Hiil Qur’aan waxa siwada jira noo siiyay wasaaradda diinta iyo awqaaf iyo hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta ee gobolka Awdal”

 

Guddoomiye Gamaal waxa uu sheegay in ay xarunta Hiil Qur’aan ay ku aasaaseen go’aan iyo talo ay isugu yimaadeen oo salka ku haysay in aanu Kitaabka ILLAAHEY bulshada dhexdeeda ku dayacnaanin.

Waxaanu yidhi.“Kadib kulan aanu qaadanay waxa aanu aasaasno xarunta Hiil Qur’aan, aanay marnaba suurgal ahayn in Kitaabkii ILLAAHEY sidan innoogu dhex dayacnaado, bulshadu meelkasta oo ay adduunka ka joogto gacan ayaynagu siiyeen in xarunta Hiil Qur’aan ay noqoto meel weyn”

Sidoo kale waxa uu xusay in ay dalka keeneen Madbacad Kutubta Qur’aanka Kariimka ah lagu daryeeli doono, waxaanu intaas ku daray in ay dib u daabacayso una hagaajinayso Kitaabadii googo’ay.

“Waxa aanu keenay Madbacad Kutubta Qur’aanka Kariimka ah lagu daryeelayo,  ahaa in la keeno taas oo aanu ugu talo galnay inay daboosho baahida dalka iyo dalalka jaarka daboosha baahidooda, waanu rakibnay balse ilaa hadda sitoosa shaqadeedii umaanan bilaabin, waxaana hawsheeda la bilaabaya marka aanu xadhiga ka jarno xarunta hiil Qur’aan”

Waxa uu intaas ku daray in ay sameeyeen makhsin lagu ururiyo Kitaabada googo’ay iyo kuwa duugoobay ee ay bulshadu sida mooganaanta ah qashinka ugu daraan.

Waxaanu yidhi.“Kutubta googoday ee qashinka la raaciyay waxa aanu u sameynay makhsin lagu ururiyo, guri kasta waanu ku garaacna, anaga oo leh keena Kitaabadii googo’ay, ugu maanan talo galin in uu noqdo ganacsi, hadafkayagu waxa uu yahay in aanu ku hubsano Kitaabada Qur’aanka Kariimka ah xarunta imika dhismaheedu gabo gabo yahay.

Bulshadu sifiican ayay ula qabsadeen soo ururinta Kitaabada iyo keenista goobta lagu dayactirayo intaba, qofkastabana wuu ku ducaynaya isaga oo ku odhanaya meel aanu gayno maanan haysanin”

Tags: No tags

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *